Turkiga oo ka aargoostay dalka Jarmalka

Dowladda Turkiga ayaa u diiday Wafdi ka socday dalka Jarmalka in ay soo galaan wadanka Turkiga wafdigan oo doonayay in ay kormeer ku sameeyaan xero ciidan oo Jarmalku ku dhex leeyahay dalka Turkiga.

Arintan ayaa daba socota Tilaabo hore uu Jarmalku ugu diiday in ay soo galaan wadankiisa Wafdi ka socday dalka Turkiga intii lagu guda wakhtigi ololaha Aftidii Dadweyne ee Turkiga ka dhacaysay bishii April ee sanadkan.

Arintan ayaa uu Turkigu samaynayo ayaa u muuqata mid uu kaga aargoosanayo dalka Jarmalaka ayadoo xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa labada dal ay mudooyinkii dambe sii xumaaneysay.

Wadanka Turkiga ayaa waxa ku yaalo saldhig milatari oo uu leeyahay wadanka Jarmalka, kaas oo badankiis ay ciidamadda Jarmalka u isticmaalaan dagaalka lagula jiro kooxaha daacish ee ka dagaalama wadanka wadamada suuriya iyo ciraaq. Saldhigan waxaa sidoo kale shidaalka ka qaata diyaaradaha dagaalka ee Germany iyo kuwa xulafada Nato.

Wasiirka arimaha dibadda dalkan Jarmalka Sigmar Gabriel, ayaa sheegay in dowladiisu ay ka fikiraayo sidii ay badali laheyd saldhigiisa milatari ee ku yaala wadanka Turkiga. Wuxuuna ku dhawaaqay in hadii ay Turkigu mar kale ku dhaqaadaan talaabadaas oo kale ay saldhigooda u badalan doonaan dalka Urdun ee dariska la ah Siiriya.