Warbixin Lagu daabacay Wargeyska Jyllands-posten ee ka soo baxa dalka Denmark oo soo xiganayay Hay’adda Danish Refugee Council (DRC), tira koob ay samaysay hay’adda ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray Sanadkan maalmuhu ka harsan yihiin ay dalka Denmark si iskood ah isaga laabteen 42 qofood oo qaxooti Soomaaliyeed ah,
Danish Refugee ayaa sheegtay in dadkani ay iyaku soo go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan dalkooda isla markaasna codsaday in dib u dejin loo sameeyo,
Warbixinta ay soo saartay hay’adda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadkaasi uu qof walba helay taakulo dhaqaale oo ay ku yaboohday dowlada Denmark,
Waa tiradii ugu badnayd inta la xasuusto ee si iskood ah uga laabta Denmark, waxaana arintani ay ka danbaysay markii sanadkii hore ay Denmark sheegtay in ay dib u qiimeyn ku samayn doonto kiisaska ku dhawaad 800 oo qofood bacdamaa ay soo hagaagayso xaalada amaan ee wadanka Soomaaliya Waa sida ay sheegeene,
Wasiiirada Soogalootiga Denmark Inger Støjberg ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in tira badan oo qaxooti Soomaali ah ay si xor ah ugu laabtaan dalkood,
Halkan Ka Aqriso Warbixinta Oo Ku Qoran Luuqada Danish-ka
Jabril Yahye Isse,
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com