Talyaaniga oo dekedihiisa ka xiraya Muhaajiriinta

Talyaaniga ayaa ku hanjabay inuu u diidi doono maraakiibta dalalka shisheeye leeyihiin in ay ku dejiyaan dekadihiisa dadka muhaajiriinta ah.

Waxa la rumaysanyahay in afartii cisho ee la soo dhaafay dad tiradoodu gaarayso 10,000 oo qof isku soo miidaamiyeen safar ay badda kaga gudbayaan oo ay kaga soo kicitimeen Woqooyiga Afrika.

In ka badan 73,000 oo muhaajiriin ah ayaa sannadkan gaaray dalka Talyaaniga, taas oo ah tiro ka badan boqolkiiba 14 tirada sannadkii hore gaadhay.

Qiyaastii 2000 oo qof ayaa ku dhintay ama la la’yahay oo loo malaynayaa in ay ku qarraqmeen badda, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga yaa iyaduna sheegtay in dadka badda isku biimaynaya badankoodu ka dhoofaan dalka Liibiya.

Liibiya ayaa noqotay marinka ay Yurub u maraan muhaajiriinta ka yimaad dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Bangladesh iyo dalal ka mid ah jasiirad la moodda Carabta oo ay ka mid yihiin Masar iyo Suuriya. Dadkaa qaar badan oo ka mid ahi waxay ka qaxayaan dagaallo iyo faqri.

©BBC-Somali