Taliyaha Ciidamada Booliska ee magaalada Minneapolis oo is casishay kadib dilkii uu gaystay sarkaal Somali Amerikan ah

Taliyaha Ciidamada Booliska ee magaalada Minneapolis Janee Harteau ayaa is casishay, kaddib markii cadaadis uga yimid dilkii uu geystay Askari Soomaali Mareykan ahaa oo todobaadkii hore dilay Haweeney u dhalatay dalka Australia.

Dilka Haweeneyda u dhalatay dalka Australia ayaa xiisad ka dhex abuurtay Booliska Minneapolis iyo bulshada magaalada, iyadoo dowladda Australia ay aad uga carootay falkan, kana dalbatay Mareykanka inay faah faahin ka bixiso qaabka dilka u dhacay.

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa ku eedeysay Taliyaha Booliska magaalada inay lumisay kalsoonidii dadka Minneapolis oo aanay hoggaamin karin booliska, sidaas darteed ay xilka iska casisho.

Ninka Soomaaliga ee lagu eedeeyay inuu dilka geystay oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa wali wax war ah ka bixin tan iyo markii uu dhacay shilkaas, iyadoo wali ay socdaan baaritaanada la xiriira dilkan.