Taliska asluubta oo xariga ka jaray xarun caafimaad oo laga hergaliyay xabsiga dhexe (SAWIRO)

Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa xariga ka jaray xarun caafimaad oo xabsiga dhexe ee Xamar laga hirgaliyey, waxaana xaruntan caafimaad yaala Qalabka lagu baaro cudurada kala duwan gaar ahaan T.P da, iyadoo Maxbuuskii laga helo cudurkan la siinayo daawooyinkii loogu talagalay.

Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya, taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaana iska kaashaday hirgalinta xaruntan caafimaad.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,  Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Xaruntan Caafimaad loogu tala galay in lagu daweeyo maxaabiista iyo skarta ciidanka asluubta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dhaqaatiirta ka shaqeyneyso ay ka tirsan yihiin  Ciidanka Asluubta, ayna aqoon u leeyihiin caafimaadka.

Dhinaca kale wafdi ka socday hay’adda QM ayaa maanta booqday xabsiga dhexe ee Xamar, iyagoo soo arkay horumarka weyn ee iminka ka jira xabsiga, oo ay ka mid yahay warshadda tababarka Maxaabiista, xarumaha waxbarasho iyo qeybaha kale ee xabsiga uu ka kooban yahay, iyagoo taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ku ammaanay sida uu ka dhigay xabsiyada dalka iyo taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed, si gaar ah ayey u sheegeyn in xabsiga dhexe ee Xamar addeegyada laga hirgaliyey ee kala duwan, uusan jirin Xabsi leh, marka laga hadlayo Qaaradda Africa ee aan ka midka nahay.

Xigasho: Hiiraan Online