Tahriibayaashii Ugu Badnaa oo soo gaaray Xeebaha Italy (SAWIRO+WARAYSI)

Maraakiibta ciidamada Badda reer-yurub ayaa badbaadiyay in ka badan 3 kun oo qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo kasoo baxay xeebaaha dalka Liibiya.

Tahriibayaasha laga soo badbaadiyay xeebaha badda Liibiya ayaa la gaarsiiyay jasiirada Sicily ee dalka Talyaaniga.

Tirada ugu badan muhaajiriinta la badbaadiyay oo gaarayay sedax kun ayaa waxaa ka qeyb qaatay markab laga leeyahay dalka Jarmalka.

Dadkaan la badbaadiyay ayaa waxaa ku jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo la geeyay magaalada xeebta ah ee Sicily halkaasi oo gurmad looga fidiyay.

Safiirka U fadhiya Soomaaliya dalka Liibiya ayaa Idaacada Voa Laanteeda Afka Soomaaliga ku hadasha u sheegay In Dadka la Soo bad baadiyay ay ku jiraan Soomaali far badan, Halkan Hoose Ka dhagayso Waraysiga Amb.Muxiyadiin Kaalmoy

Wareysi: Muxiyadiin Kaalmoy

Wadamada Midowga Yurub oo horay heshiis ku saabsan la dagaalanka tahriibka wada galeen in si wada jir ah looga wada qeyb qaato ayaa u muuqda mid yareyn kari waayay qulqulka muhaajiriinta nolol raadiska ah.

©Goobsan  Media