Tahriibayaal dooni kula dagtay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Libiya

Hey’adda qaabilsan arrimaha qaxootiga ee aduunka IOM ayaa sheegtay in xeebaha dalka Liibiya ay ku dhinteen in ka badan 60 qof kuwaas oo aduun yar oo wateen kula qalibantay.

Hey’addu waxaa ay sheegtay in dadkan ay wateen doon ka sameysan wax yaabo baakado ah taasna ay keentay inay dagto dadka ayaana ahaa kuwo tahriib doon ah oo doonayey in ay galaan dhanka dalalka Yurub.

10 kamida dadkaas ayaa lasheegay in uu badbaadiyey markab agmarayey sidaasna lagu ogaaday inay jiraan dad badan oo ku dhintay xeebaha dalka liibiya.

Weli waxaan cadeyn dalka ay dadkaan asal ahaan ka soo jeedaan balse waxaa loo badaniyaa inay ka soo jeedaan dalalka bariga africa.
Inta badan xeebta u dhaxeysay dalalka liibiya iyo talyaaniga ayaa waxaa ku tahriiba dad badan oo ka soo jeeda qaaradda africa kuwaas oo isaga baxaya dalalkoooda .

©Goobsan Media