Taariikh Nololeed: Tuma ayay ahayd Hodan Naaleeye?

Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyo e, Hodan Naalleeye waxay ahayd gabadh waxtar badan oo hal-abuur aad u sarreeya leh. 

Waxa dadku inta badan ay si weyn ugu xasuustaan barnaamijkii caanka ahaa ee la magaca baxay Integration TV oo ah barnaamijkii ugu horreeyey ee luuqadda Ingiriisiga ku baxa ee qurbajoogga u adeega. Barnaamij ka sheekeeya dhaqanka iyo is-dhexgalka Soomaalida qurbaha iyo dalalka ay joogaan oo ay Hodan hal-abuurkiisa, waxsoosaarkiisa iyo madaxiisa ahayd. 

Hodan waxay ahayd mutacallimad shahaadada Bachelor (Hon) in Communication ka qaadatay jaamacadda weyn ee University of Windsor. Waxa kale oo Hodan ka qaadatay Jaamacadda Seneca College Postgraduate Certificate in Broadcast Journalism. 

Hodan waxa ay noqotay Youtuber barnaamijyadeeda aad loo xiiseeyo, Waxa kale oo shaqooyin saxaafadda ah ka soo kala qabatay City TV & Feva TV. Shaqooyinka caannimada Hodan qaybta weyn ka qaatay waxa ka mid ah: – 

In ay Hodan ahayd khabiir dhinaca suuq-geynta ah, maamule saxaafadeed, qof bulshadeeda u dhaqdhaqaaqda (social activist), baayacmushtari, iyo madax ku xigeenka hay’adda waxsoosaarka kamarada ee caalamiga ah, gaar ahaan qaybta barnaamijka horumarinta iibka. waxa kale oo ay Hodan si weyn u dhiirigelin jirtay hibada iyo kartida dhallinyarada qurbaha ku nool ku jirta. 

Alle ha u naxariistee Hodan waxa ay ku dhalatay magaalada Laascaanood sannaddii 1976. Waxay dalka Canada gashay 1984, ka dibna waxay noqotay ileys u baxa da’yarta ku kortay ama ku dhalatay qurbaha. Hodan Jimcihii 12 July ayey qarax iyada iyo sayigeedu ugu geeriyoodeen weerar is-qarxin ah oo ka dhacay Huteel ku yaal magaalada Kismaayo. 

Hodan waxay ka tagtay labo wiil, dhawaan ayey mar labaad dib u guursatay, intan dambana waxay u dhaqdhaqaaqi jirtay sidii ay adduunyada iyo Soomaalida lafteeda u tusi lahayd inta wanaagsan ee dhulka Soomaalida. 

Waxay barnaamijyo ka diyaarin jirtay nabadda, dhaqaalaha iyo khayraadka ku duugan inta badan Soomaaliyadii Talyaaniga. Nasiib-darro, Hodan waxa dishay xaqiiqadii Soomaaliya taallay ee ka duwaneyd tii ay sheegaysay. Innaa Lillaah wa innaa Ileyhi Raajicuun. 

Macluumaadkan taariikhda ah inta badan waxaan ka soo uruuriyey Internetka. Faataxada ha loo maro Hodan iyo sayigeeda oo gacan ka xaqdarrani halaagtay.

W/Diyaariyay: Mohamed O. Hagi Mohamoud