Switzerland: Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay Magaalada Basel

Arroortii hore ee saakay ayaa meydka Muwaadinkaas Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Abuukar Todobaale ayaa waxaa laga helay agagaarka Webiga weyn Magaalada Basel ee Switzerland.

Soomaalida ku nool qaarkood oo tegay goobta meydka yaallay ayaa waxa ay sheegeen in uu ka muuqday jirkiisa dhaawacyo loo geystay balse aysan garaneyn sababta loo dilay iyo dadkii ka dambeeyey dilkiisa.

Dalka Switzerland ayaa waxa ku nool Soomaali farabadan kuwaas oo qaarkood qaxooti ah balse inta badan marka loo eego wadamada kale laguma dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed.

Warbaahinta Goobsan kala Soco Wararkii U danbeeyay ee Dunida
SHARE