Sweden: Soomaali Xaaskiisa Faas ku dhaawacay oo gacanta lagu soo dhigay

Waxaa Magaalada Viena oo ah Caasimada dalka Austria laga soo qabtay Nin la sheegy inuu ka baxsaday booliska dalka Sweden.
Ninkan oo lagu magacaabo Khadar Cabdi oo 38 jir ah waxa lagu heystaa inuu Xaaskiisa Faas ku weeraray kagana dhaawacay Madaxa, Ninkan oo aad looga doonayay dalka Sweden gaar ahaan Booliska oo waqti badan baadi goob ku hayay Ninkan.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ninkan iyo xaaskiisa ay daganaayeen degmadda Alvesta ee dalkaan Sweden waxaa xilligaasi dhexmaray is qab qabsi keenay inuu xilli saq dhexe ah faas madaxa kaga dhifto. Wixii ka dambeeyey waxaa uu ka baxsaday dalka Sweden oo iska dhiibay wadanka Austia, halkaas oo magac been abuur ah uu ku joogay kuna  guursaday xaas kale.

Booliska Sweden oo in muddo ah ku raad joogay ayaa u gudbiyey booliska caalamiga ah ee Interpol sawiradiisa, muddo ka dibna waxaa laga soo qabtay guri ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Viena halkaas oo la sheegay in uu  ku dhuumaaleeysanayey.

Khadar ayaa dalka Sweden yimid sanadkii 2013-kii, waxaana uu xaaskiisa la deganaa tan iyo markii dambe ee ay diririrtu dhexmartay oo isku dayey inuu dillo.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa la filayaa inuu kasoo muuqdo Maxkamad ku taal Dalka Sweden taasoo la doonayo in looga dhageysto Waxii dacwad ah.