Sweden: Masaajid ay Soomaalidu Maamusho oo albaaba Loo Laabay (SAWIRO)

Qilaaf in mudo ah soo jiitamayay oo u dhaxeeyay kooxo ku hardamayay gacan ku haynta masaajid  ay Soomaalidu maamusho oo ku yaala Xaafada Biskopsgården magaalada Göteborg ee caasimada labaad  dalka Sweden ayaa ugu danbayn albaabada loo laabay. Kadib markii qilaafkoodu uu gaaray meeshii ugu saraysay,

Isqab qabsigan iyo Muran u dhaxeeya labaddan kooxood ee soomaalida ah ayaa salka ku haya cidda gacanta ku haynaysa maamulka masaajida. Waxayna ugu danbayn sababtay in kiiskoodu uu gaaro booliska taasoo keentay in gabi ahaanba la xiro Masaajidkii,

Kooxaha isku haya gacan ku haynta masjidkan ayaa la aaminsan yahay inuu qilaafkoodu ka bilowday arimo la xiriira qabiil taasoo kooxiba kooxda kale ay doonayso inay meesha ka saarto,

©Goobsan  Media