Malmö: Amaanka Xaafada Soomaalidu dagto Ee Rosengård Oo faraha ka sii baxay

Isniinta la soo dhaafay waxaa Magaalada Malmö laga maqlay rasaas u muuqata toogasho taasi labo mar laga maqlay Magaalada.

Toogashada 1 aad ayaa dhacday abaaro 17:15 Xiliga Sweden waxana markaasi la toogtay wiil dhalinyaro oo 21 sano jir ah.
Goobta uu falka ka dhacay ayaa ah Xaafada Rosengård ee Caasimada Malmö sida Booliska shaaciyeen

Isla habeenimadii Talaada ayaa waxaa rasaas xoogan laga maqlay Nawaaxigaasi, Booliska ayaa goobta ka sameeyay baritaan inkastoo aysan cidna waxba ku noqon rasaasta

Madaxa Booliska Calle Persson ayaa sheegay in Cidna waxba ku noqon rasaasta la is weydaarsaday isla markana ay wadaan baaritaano ku aadan labada weerar ee dhacay.

Xaafada Rosengård oo inta badani Soomaalidu dagto ayaa Waxaa tiro dhowr mar ah ka dhacay falal amniga lidi ku ah, Waxaana inta badan la arkaa ciidamo boolis ah Oo xiliyada habeenkii dhaq dhaqaaqyo ka wada wadooyinka soo gala nawaaxigaas.