Sweden: Dowlada oo fududeneysa mideynta Qoysaska kala maqan.

mudo sadax sano ayaa laga joogaa tan iyo markii Dowlada sweden ay keentay Sharci adkeenaya Qaxootiga doonaya in ay joogaan Sweden iyo kuwa kale ee doonaya in loo keeno qoysaskooda.

Mudada sadaxda sano oo dhamaatay kadib Dowlada ayaa markale ku celisay in Mudo Labo sano oo dheeraad ah uu siisoconayo Sharcigan kumeel gaarka ah lakin Dowlada ayaa sheegtay in ay Fududeneyso keenista Qoysaska ka maqan dadka helay Sharciga ee Dalka ku sugan iyo kuwii hore.

Qoysaska leesku keenayo ayay dowlada ku sheegtay kuwa ku sugan Wadamada ay colaada ka jiran Xiligan ama kasoo jeeda wadamadaasi.

Dowlada ayaa ku raacday heshiiskan labada xisbi ee kala ah Centerpartiet iyo  Liberalerna kuwaasi oo dowlada ku cadaadiyay in ay fududeyso mideynta Qoysaska kala maqan.