Beryihii ugu dambeeyayey ayey dad ku dhaqan Sweden ey ka cabanayeen telefoonno sida la moodayo laga soo diray Soomaaliya. Kuwaasina oo ah isku day musuqmaasuq, sida uu ciidanka ammaanku sheegay.
Ciidanka ammaanka ayay la xiriireen qaar ka mid ah bulshada lana socodsiiyeen telefoonno laga soo wacay oo aaney garaneyn oo ka bilowda lambarka +252. Iyadoona ciddii dib ugu celisa telefoonkaa halis ugu jirto in lagu xiro mashiin kuu jawaabaya iyo inaad muusik dhageeysato inta cid lagaaga xirayo, iyadoona inta muddadaas ah uu kharashku kor u kacayo.
Boliiska ayaa hoosta ka xariiqay in falkani noqon karo isku day musuqmaasuq.
Haddii aadan telefoon ka sugeeynin dalka dibaddiisa oo lagaa soo waco telefoon aadan garaneyn inaad ka jawaabto ama dib u wacdo maahan.