Sweden: Ajaaniibta sharci darrada waddanka ku jooga oo la baadi-goobayo

Sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay Idaacada Sweden Laanta Afka Soomaaliga. Waxaa bilihii u danbeeyay sii kordhayay tirada dadka sharci darada ku jooga wadanka Sweden. Dadkan ayaa waxay isugu jira kuwa codsigooda magangalyo diidmo laga siiyo halka qaar kalana aysanba u diiwaan gashanayn dowlada sweden.

Booliska dalka Sweden ayaa hada bilaabay inay sharcigiisa waydiiyaan qofka ay ka shakiyaan si loo xaqiijiyo in qofkaasi ka diiwaan gashan yahay dalka iyo in kale. Sidoo kale Booliska xuduudaha ayaa heegan buuxa la galiyay inay la socdaan dadka soo galay dalka, waxaaa si taas la mida ah la baari doonaa goobaha ganacsiga dadka ka  shaqeeya,

Bishii juun 2016 ayaa la go’aamiyay sharci cusub oo sheegaya in dadka diidmada helay laga jaro lacagaha ay ka helaan hay’ada socdaalka islamarkaasna guryaha lagu laga saaro.

Dalka Sweden ayaa waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee dagan waqooyiga yurub. Waxaana qaar ka mid ah dadkaas ay ku  joogaan sharci daro kadib markii la iska diiday codsiyadooda,

Ahmed Yare
©Goobsan  Media