Stockholm: Amaanka xaafadaha ay Soomaalidu dagan tahay oo faraha ka baxay

Waxaa labadii todobaad ee la soo dhaafay faraha ka baxay xaalada amaan ee qaybo ka mid ah xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden. Kadib dilal is daba joog ah oo todobaadkan ka dhacay xaafada Kista, iyo sidoo kale rabshado todobaadkii hore ka dhacay xaafada ay soomaalidu ku badan tahay ee Rinkeby,
Booliska magaalada stockholm oo baaritaano iyo roondo ka sameya xiliyada habeenkii ah xaafadaha stockholm ayaa mararka qaar la kulmo falal amaan daro ah oo ay gaysanayaan kooxo ka ganacsada maandooriyaha,
Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii sidan oo kale uu faraha ka baxay amaanka Magaalada Malmö iyadoo ay ka dhaceen dilal dad shacab ah loo geystay iyo sidoo kale xarumo ganacsi oo la dhacay. Waxaana haatan muuqata feejignaan iyo dadaal la doonayo in lagu soo celiyo xasiloonida,

©Goobsan  Media