Wararka naga soo gaaraya Deegaannada maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada Magaalada Hargeysa ay Maanta xukun Saddex Sano ah ku riday Naciimo Abwaan Qorane.

Naciimo Abwaan Qorane ayaa ah Gabar Baraha Bulshada waxku qorta,waxana Hargeysa lagu xiray kadib markii ay ka tagtay Muqdisho,iyada oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Xeer ilaalinta Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa naciimo ku eedeysay inay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland,isla markaana dhaawacaya qaranimada Soomaaliland sida ay hadalka u dhigeyn