Xili maanta ay si iskeeda ah ay isku Casishay Wasiiradii Cadaalada Norway Sylvi Listhaug ayaa Waxaa go’aankaas si weyn usoo dhaweeyay soomaalida ku nool dalkaas.
Wasiirada Cadaalada Oo horay usoo noqotay Wasiirada Soo Qaxootiga iyo Isdhaxgalka ayaa intii ay xilkaas Wasiirnimo ay haysay waxay dhibaato ba’an u geystay Soomaalida qaxootiga ku ah dalkaas, Waxaana lagu xasuustaa go’aankii ay soo saartay dhamaadka Sanadkii 2016 kaas oo ahaa in sharciyada lagala noqdo 1,400 qofood, Sidoo kalana dhalashada Wadanka lagala laabtay shaqsiyaad si gooni ah loo bartilmaameedsaday,
Sylvi Listhaug ayaa Sababta ugu weyn ee iscasilaada ku sheegtay in ay ilaalineyso Sharafta Xisbigeeda ay ka tirsantahay.
Baarlamaanka dalka Norway ayaa maanta ku balansanaa in codka kalsoonida loo qaado Listhaug inay sii wadanayso shaqadeeda iyo in gebi ahaanba lagala noqdo kalsoonida, Waxaana mudooyinkii u danbeeyay cadaadis fara badan ku hayay Xisbiyada Mucaaradka dalkaas,
Source: Norsomnews