Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo Maanta Muqdisho laga Soo dajiyay,

67 qof oo Somali ah, lagana soo tarxiilay dalka Mareykanka, ayaa maanta ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

67 qof oo Somali ah, lagana soo tarxiilay dalka Mareykanka, ayaa maanta ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dadkan oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xirnaa xabsiyo ku yaala dalkaasi, ayaa waxaa la go’aamiyay in dib loogu soo celiyo Somaliya.

Dadkan, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaarsiiyay diyaarad gaar ah. Diyaaradan waxay ka soo qaaday Magaalada Nairobi, ka dib markii laga soo wareejiyay diyaarad kale oo ka soo qaaday Mareykanka.

Somalida dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho oo dhalinyaro u badan, ayaa waxaa ku jira odayaal, in muddo ahba deganaa dalka Mareykanka.

Ciidamada ammaanka Mareykanka, ayaa dadkan qaarkood ka soo qab qabtay guryahooda iyo goobahooda shaqo, iyadoona lagu haysto in si sharci-darro ku jooggeen Mareykanka iyo in qaarkood dembiyo ka gaysteen dalkaasi.

Safaaradda Somalida ee Magaalada Washington, ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay fududeysay dib u soo celinta dadkan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, ayaa lala soo socodsiiyay dib u soo celinta dadkaasi.

11-kii bishii March, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ka soo cago dhigatay diyaarad waday 70 qof oo Somali ah, ka dib markii laga soo musaafuriyay Mareykanka. Sidoo kale 25-kii bishii January ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay 90 qof oo Somali ah, oo Mareykanku uu si khasab lihi ugu soo celiyay dalkooda.