Soomaali laga soo Tarxiilay Mareykanka Oo laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirneyd xabsiyo ku yaalla dalka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay gudaha Soomaaliya, waxaana ay tiro ahaan gaarayaan 85 qof.

Dhalinyaran ayaa waxa ay isugu jiraan qaar horey dambiyo uga galay dalka Mareykanka iyo kuwo dhawaan wadankaas galay oo aanan heysan sharciga dal ku galka ah.

Dhalinyaradan oo shalay laga soo safriyay dalka Mareykanka ayaa soo maraya Magaalada Jubba ee dalka South Sudan, intaasi kadib ayaa laga soo dejin doonaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ku eedeeyay in ay iska indha tirayaan in dalka dib loogu soo celiyo Dhalinyaro xaalad amni daro darteed u baqaya.

Ma ahan markii ugu horeysay ee wadanka Mareykanka dad laga soo celiyay la keeno Soomaaliya, sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii dad gaaraya 600 oo qof laga soo dejiyay Soomaaliya.

Tan iyo intii uu Aqalka Cad fariistay Madaxweyne Trump, Soomaali badan ayaa lagu soo celiyay Soomaaliya, arrintaas oo ah xaajo ugub ah, islamarkaasna aanan horay uga dhicin Mareykanka.