Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo Su’aalo ka keenay Jawaabta Farmaajo ka bixiyay Kiiska Qalbi dhagax

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa Musharaxiintii Xilka Madaxweynaha  kula tartantay Madaxweyne Farmaajo ayaa su’aal badan ka keenay jawaabtii uu ka bixiyay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay is weydiinta tahay sababta Madaxweyne Farmaajo lix bilood kaddib uu ka hadlo kiiska Qalbi Dhagax.

“Waxaa is waydiin mudan sababta uu Madaxweyne Farmaajo u ogolaaday in uu lix bilood ka gadaal ka hadlo kiiska Qalbi-Dhagax, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu taageerayo go’aankii Baarlamaanka ka qaatay dhiibista Qalbi-Dhagax”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka uu sheegay in Qalbi Dhagax uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, dhiibistiisa ay aheyd sharci darro, isla markaana Hey’adda Sirdoonka ay xog aan sugneyn u siiyeen Madaxda dalka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Xukuumadda ay horay u difaacday go’aanka dhiibista Qalbi Dhagax, isla markaana ay sheegtay inuu sharci ahaa, ONLF ay ku tilmaamtay urur Argagixiso, Qalbi dhagaxna yahay dambiile.

Hadaba C/raxmaan C/shakuur ayaa shan su’aalood ku soo koobay jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay.

1- Madaxweynaha miyuusan ogayn go’aanka Xukuumada?

2- Muxuuse uga aamusay?

3-Muxuu u doortay xiligan in uu ka jawaabo kiiska Qalbi-dhagax?

4-Sidan masuuliyad ma kaga haraysaa?

5- Sow lama oran karo hadii Baarlamaankii iyo Madaxweynihii isku aragti noqdeeen, Maxaa Xukuumada u yaala ?.