Sirdoonka Norway oo Xabsiga dhigay Haweeney Soomaali ah

Waxaa Maalintii Shalay ahayd Xabsiga la dhigay Haweeneey Soomaali ah  oo da’deeda lagu sheegay 30 Sano, taasoo ku eedaysan inay qorshaynaysay Safar  ay ku tegi lahayd dalka Siiriya si ay uga mid noqoto kooxaha xag-jirka ah ee ka dagaalma dalkaas,

Haweeneydan ayaa markii hore lagu qabtay dalka Italy, kahor inta aan loo soo gudbin Norway, sida laga soo xigtay warbaahinta. Sirdoonka Norway ayaa Haweeneydan Xabsiga dhigay habeenimadii talaadada oo Norway laga soo dajiyay.

Maxkamada Sare ee magaalada Oslo ayaa xukun Afar isbuuc oo Xabsi ah ku riday Haweenaydan ilaa inta kiiska dacwadeeda la qaadi doono bilowga Sanadka Cusub ee nagu soo fool leh,

Haweeneydaan ayaa iska fogeysay gebi ahaanba eeda loo soo jeediyay. waxayna dhankeeda sheegtay in laga been abuurtay Isla markaana aysanba gebi ahaanba wax lug ah ku lahayn eeda loo soo jeediyay,

Sirdoonka Norway ayaa sheegay in ay dabagal  dheer ku wadeen kiiska gabadhan oo la sheegay inay damac sanayd in wadanka Siiriya kula kulanto nin ka mid ah kooxda daacish oo xiriir kala dhaxeeyay isla markaana iyada qudheedu ay qorshaynaysay ku biirista kooxdaas,

©Xigasho:- NRK