Shirkii Wasiirada Arrimaha dibedda Jaamacadda Carabta oo looga hadlay Qudus

Shirka Wasiirradda Arrimaha dibadda dalalka Ku jira Jaamacadda Carabta ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Shirkaan oo ahaa mid diiradda lagu saaray Xaaladda Magaalada Qudur iyo sidoo kale go’aankii Madaxweyne Trumo, waxa ay sheegeen Wasiiradda Arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta in ay tahay wax aan la aqbali karin in Qudus Yahuuda ay u noqoto Caasimad.

Wasiiradda ayaa sheegay in ay soo saari doonaan Go’aan mid ah oo ay kaga jawaabayaan hadalkii Trump ee Qudus.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Kolsii horreysay madaxa kaniisadaha Masar Pope Tawadros-ka labaad ayaa sheegay inuu ku gacan seeri doono la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence marka uu soo booqdo magaalada Qaahira dhammaadka bisha soo socoto.