Shirkadda Google oo lagu haysto in ay Ragga iyo Dumarka u kala eexato iyo dacwad laga gudbiyay arrintaas

Shirkadda wax laga baarto ee Google ayaa maxkamad laga geeyay dacwad ka dhan ah waxaana lagu eedeeyay inay dumarka siiyaan lacag ka yar midda ay siiso ragga haya shaqooyin kuwooda u dhigma.

Dacwadan oo ay soo oogeen Saddex dumar ah oo u shaqayn jiray ayaa lagu sheegay in Google ay ka warhayso xaaladdan, balse aysan waxba ka qabanin.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo shirkaddaha Silicon Valley aad isha loogu hayo, si dhawna loola socda macaamiiltankooda haweenka iyo raga.

Waaxda shaqaalaha ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale baaritaan ku haysa sida Google ay mushahaaraadka u siiso.

“Waxaa la joogaa wakhtigii shirkaddaha tiknoolajiyaddu ay joojin lahaayeen iska indhotirka arrimahan” ayay tiri Kelly Ellis, oo horay ingineer software-ka qaabilsan uga soo noqotay Google, kana mid ah dumarka dacwadda geeyay.

Kelly Ellis aya barteeda Twitterka ku soo qortay in dacwaddan ay Google iyo shirkaddaha kale ku qasbi doonto inay baddalaan hab dhaqankooda la xiriira sinaanta raga iyo haweenka ee dhinaca mushaharka.