Shirkadda Cargill oo Magdhow $1 Milyan dollar ku baxaya siineysa Shaqaalaha Muslimiinta oo Soomaali u badan

Ka dib Markii shaqaallaha muslimiinta ah ee ay Soomaalidu ku jiraan ay dacwad ka gudbiyeen Shirkadda ugu weyn wax soo saarka hilibka ee dalka Mareykanka, taasoo ku aadaned in loo diiday in xilliyadda Saaladda la fasaxo.

Dacwada ayaa laga gudbiyay shirkadda ayaa ku qasabtay in ay go’aan kale qaadato oo ay bixiso Magdhow si loo raaliyo Shaqaallaha Muslimiinta ah ee Shirkaddaasi oo Soomaali u badan.

Guddiga dalka Maraykanka u qaabilsan sinnaanta fursadaha shaqada ayaa ku dhawaaqay heshiiskaan oo ku soo beegmaya iyada oo dacwaddan ay soo jiitamaysay muddo dhowr sano ah.

Dacwaddan ayaa u dhaxaysay shirkadda hilibka ee Cargill iyo shaqaale Muslimiin ah oo tiradooda lagu sheegay 138 qof.

shirkadda hilibka ee Cargill  ayaa ogolaatay heshiis dhexdhexaadin ah oo ku kacaya lacag ka badan hal milyan oo doolar oo magdhow ah.

Shaqaalahan ayaa ka cawday in shirkaddu ay u diiday inay salaadda tukadaan, taas oo keentay in shaqaalahaasi oo u badnaa Soomaali ay ka tagaan shaqada.