Shirkad soo saartay aalad fududeysa isfahanka dadka aduunka ku nool (sawiro)

Shirkada wayn ee Panasonic ayaa soo saartay cod baahiye casri ah kaas oo nuuciisa horay loo arkin makarafoonkan ayaa ah mid turjumi kara luuqado badan oo caalamka looga hadlo waxa uuna aad u saacidi doonaa dadka ka shaqeeya dalxiiska kuwaas oo ay waqti badan ku qaadato is fahanka dadka kala duwan oo isaga soo kala gooshay dunida dacaladeeda.
Shirkadda caanka ah ee Panasonic ayaa daaha ka rogtay tijaabada makarafoonkan oo loo yaqaano Magahonyaku, kaasi oo ah cod baahiye casri ah oo la filayo in suuqyada caalamka la soo galiyo Bisha December ee isla sannadkan wakhtigana hab tijaabo ah uga shaqaynaya goobo dhawr ah oo ku yaalla dalkaasi Japan, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi sida Tokyo iyo kuwo kale.
Afhayeen u hadlay shirkadda Panasonic ee dalka Japan ayaa sheegay in cod baahiyahan oo ah nooca gacanta lagu qaataa uu noqon doono kii ugu horreeeyey ee noociisa ah ee dunida laga adeegsado iyaga oo ugu talo galay gaar ahaan in uu dadka ka anfaco dhinaca turjumidda luuqadaha ugu waaweyn adduunka gaar ahaan luuqadda reer Japan ku hadlaan. Kaasi oo awood u yeelan doona in hadba qofka dadka kula hadlayaa uu dooran doono luuqadda dadka uu la hadlayaa fahmayaan isna uu luuqaddiisa adeegsan doono kadibna uu hab turjumid degdeg ah uu makarafoonku samayn doono. Tusaale ahaan haddii uu qofka isticmaalayaa ku hadlayo luuqadda Japanese-ka dadka uu la hadlayaana ay u badan yihiin kuwo fahmaya luuqadda Ingiriisida waxa uu isagu isaga hadli doonaa Japanese-kiisa codka makarafoonka ka soo baxayaana waxa uu noqon doonaa Ingiriisi kaasi oo sidaa ku noqonaya mid ka mid ah aaladihii tiknoolajiyadeed ee ugu dambeeyey dunida.
Lee Koyota oo ah afhayeenka wax soo saarka ee Shirkadda Panasonic oo wax soo saarkoodan casriga ah ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Makarafoonkan turjumaha ahi waxa uu awood u leeyahay in uu wakhtigan kuu sahli karo luuqadaha Ingiriisida, Shiinayska iyo Luuqadda Kuuriyaanka balse qorshahooda dhawi uu yahay in ay ku daraan luuqadaha Ruushka iyo Spanishka”.
Aaladdan casriga ah ee loo bixiyay Magahonyaku waxa uu wakhtigan hab tijaabo ah uga hawl galay xafiisyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin kuwa dab-damiska, xafiisyada dalxiiska u qaabilsan dalka Japan iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin madaaradu waxaana la filayaa in rasmi ahaan suuqyada Japan lagu soo daayo 18-ka Bisha December ee innagu soo aaadan isaga oo la sheegay in lagu kala iibsan doono qiimo lacageed oo dhan $2000 oo dollar. saamaynta uu ku yeelan karo bulshada ayaa lagu sheegay inay tahay mid wanaagsan ayakoona si farxadi ku jirto uga hadlay marki la tijaabinayay waxa ayna sheegeen inuu waxyaabo badan u sahli doono sida waqtiyada ay wax iibsanayaan dadka dalxiiska ku jira.

halkaan hoose ka daawo sawirada makarafoonka casriga ah.