Shirka IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi

magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya ayaa Waxaa lagu Wadaa in uu ka Furmayo Shirka Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaan waxaa ka soo qeeybgalaya inta badan Madaxda Wadamada Urur Goboleedka IGAD iyaga oo qaarkood ku sugnaa Maalmahaan Nairobi.

Shirkaan ayaa inta badan waxaa looga hadlayaa arimaha abaaraha Soomaaliya iyo Taageerada isbadalka iyo Dowlada cusub ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa arimaha qaxootiga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan Dhadhaab oo ay dowlada Kenya dooneyso in lagu celiyo dalkooda, loona abuuro barnaamijyo ugaar ah.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO WARBIXIN BUUXDA

Sidoo kale Shirkaan ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan Qodobo wax looga qabanayo Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid ah Madaxda kamid ah IGAD ee Shirkaasi ka qeeybgalaya kaasi oo ku sugan iminka Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo qaar kamid ah madaxda wadamada urur goboleedka IGAD.