Shimbir Daroogo gudbinayse oo lagu xiray dalka Kuwait (Sawiro)

Mas’uuliyiinta wadanka Kuwait ayaa Todobaadki lasoo dhaafay qabtay Shimbir lagu soo qariyay kaniinyaal laga sameeyo daroogada qatarta ah.

Shimbirtaan oo dhabarka dambe looga sameeyay Boorso yar ayaa la ogaaday inay daroogo xambaarsantahay Masuuliyiinta dalka Kuwait ayaa sheegay in ay tani tahay farsamo casri ah oo ay bilaabeen dadka daroogada gudbiya ayadoona la ogsoonyahay in shimbirtaan ay kasoo duushay dalka Ciraaq ayna daroogada usoo gudbinayse wadanka Kuwait.

Shimbirtaan ayaa markii lasoo qabtay laga soo daadiyay 200 kaniiniga daroogada ah waxaana hadda lagu hayaa xafiiska baaritaanka lagu sameeyay.

Shimbirahan yar yar ayaa qarnigii 12aad waxaa loo adeegsan jiray inay masaafo fog  fariimaha gudbiyaan balse qarnigan ayaa shimbiraha yar yar loo adeegsanayaa inay daroogo u kala gudbiyaan laba wadan taasna waxay ku tusineysaa inay qolyaha daroogada gudbiya ay hormarinayaan farsamooyinka ay adeegsadaan waqtiyada ay daroogada gudbinayaan.