Shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Kuuba ayaa sababay geerida 8 qof (sawiro)

Dowladda Kuuba ayaa xaqiijisay in diyaarad ay leeyihiin Ciidamada ammaanka dalkaasi ay kusoo dhacday gobolka Artemisa ee Waqooyi Galbeed ee dalkaasi, Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhimatay oo ay ka mid yihiin Saraakiil Ciidan iyo sidoo kale duuliyihii diyaarada.

Diyaaradaasi  oo lagu magacaabo ANTANOV 26 ayaa ku burburtay Dhul Buuraley ah oo lagu magacaabo Loma de la Pimienta.
Diyaaradda ayaa Markii hore ka baxday Magaalada Havana, walina waxaa socda gurmadka lagu samatabixinayo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay shilkan diyaaradeed.

Mas’uuliyiinta Wasaarada difaaca ayaa ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu saameeyo sababihii ka dambeeyeen in diyaaradaasi ay soo dhacdo.