Shiinaha oo laayay basaasiin la shaqaynayay Hey’adda Sirdoonka Mareekanka

Sida wararka soo baxayo ay sheegayaan dowladda Shiinaha ayaa qaarajisay qaarna xirtay Basaasiin u shaqaynayay Hey’ada Sirdoonka Mareekanka ee CIA-da, Dadkaan la dilay ayaa gaaraya 18 Basaasiin ah kuwaas oo la ogaaday inay la shaaqaynayeen hey’ada sirdoonka Mareenka.

Dowladda Mareekanka ayay tani u noqoneysaa dhacdadii ugu saameynta badneed oo basaasiin looga dilo mudo sanado ah.

Wargeyska The New York Times waxaa uu kusoo warramay in mid kamid ah dadkii u basaasayay Mareykanka lagu hor dilay asxaabtiisa, taasi oo ka niyad jabisay kuwii kale inay u sii shaqeyaan CIA-da.

Dilalka loo gesyto basaasiinta Mareykanka laga soo bilaabo sannadkii 2010 ila iyo 2012-kii ayaa lagu qiyaasay inay gaareyso ku dhawaad 20.

Khubaro haatan u shaqeeya hey’adda CIA-da iyo kuwo horay uga soo shaqeeyay ayaa waxaa ay rumesanyihiin in dowlada Shiinaha ay u dhacday amaba ay jabsatay qaabkii ay ku wada xiriirayeen madaxda hey’adda CIA-da iyo basaasiinta, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in mid kamid ah ragaasi uu fashilay qorshaha basaasnimada.
llaa iyo hadda kama aysan hadlin arintaan madaxda CIA-da oo waa ay ka gaabsadeen.