Shiinaha iyo Hindiya oo maraakiib dagaal usoo diraya Soomaaliya.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Waddamada China iyo Hindiya ay soo direen ugu yaraan saddex Markab oo ay doonayaan in ay ku furtaan Doomo iyo maraakiib lagu haysto biyaha Somaliya.

Sanadkan 2017 oo maraya bilihii hore ayay burcad badeedu af-duub u geysteen Markabkii 5aad ,kaas oo uu ka dul babanayo Calanka Tuvalu.
Maraakiibta soo socota waxaa ka mid ah INS Tarkash iyo  INS Mumbai oo ay leedahay Hindiya iyo Markabka PLWadda ee China,waxaana ay doonayaan in ay howlgal ka dhan ah burcad Badeedda ka fuliyaan biyaha Somaliya si ay u furtaan dhawr Markab oo laga leeyahay Hindiya.

Hay’adda Ganacsiga Badaha UK ee UKMTO ayaa sheegtay in ay soo gaartay fariinta ah in shalay la qafaashay markab ka mid ah kuwa u diiwaan geshan islamakaana ay shaqaalaha u sheegeen in ay ku dhaceen gacanta Burcad Badeedda Somaliya.

Afduub kaas waxa uu daba socdaa kadib markii Bishii la soo dhaafay la qafaashay Saddex Doon Ganacsi oo ka soo baxay Dubai kuna soo jeeday Boosaaso,Muqdisho iyo Kismaayo.