Shacabka Kenya oo Saakay dooranaya Madaxweyne iyo qaybo ka mid ah Goobaha Codka laga dhiibto oo xiran

Shacabka dalka Kenya ayaa saakay 06:00 aroornimo u dareeray Doorasho, iyaga oo dooran doona Madaxweyne, xilli laga cabsi qabo in ay dhacaan rabshado, geysta khasaare fara badan.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa ku guul dareysatay in ay wax ka qabato dacwad ay u soo gudbiyeen xisbiga Mucaaradka, taasi oo keentay in Raila Odinga uu isaga baxo Tartanka Doorashada Madaxweynaha.

Musharaxiinta maanta Doorashada ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha hada talada haya ee lagu magacaabo Uhuru Kenyatta.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ka dalbaday inaysan ka qeyb qaadanin doorashada madaxweyne ee ku celiska ah.

Goobo badan oo codadka laga dhiibto ayaa saakay xiran oo aanan shaqeyneyn, kuwaasi oo ku yaalla goobaha ugu badan ee ay degan yihiin Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka.

Ammaanka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay, Tobanaan kun oo ciidamada ammaanka ayaa la geeyay meelo badan oo dalka ah si ay u ilaaliyaan codbixiyayaasha iyo goobaha laga codeynayo.

Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaaso isla markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareerayo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.