Sedexda Madaxweyne ee Kuuriyada Waqooyi oo is dhaxlay ayaa lasoo bandhigay inta Gantaal oo ay tijaabiyeen 1984 ilaa 2017 (Shax iyo Sawiro)

Waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa 3-da Madaxweyne ee is dhashay ee kala ah (1) Kim II sung,(2)Kim Jong II iyo (3)Kim Jong Un oo  hadana ku kala wareegay xilka madaxweynanimo xiliyadii  talada wadanka Kuuriyada Waqooyi ay haayeen waxa ay samaynayeen Tijaabooyin Gantaal.

Hadaba inta tijaabo Gantaal oo ay sameeyeen ayaa ahaa kuwa diiwaan gashan balse madaxweynahii ugu badnaa ayaa noqday Ninka dhibka badan ee hadda Talada wadanka Waqooyiga Kuuriya talada u haya waana Kim Jong Un asagoo ka Gantaalo tijaabin batay Aabahiis iyo Awoowgiis walibana asagoo wakhti yar inta uu xukunka wadanka hayo.

Hadaba Sanadii 2017 waxa uu sameeyay 12  tijaabo Gantaal kuwaas oo aad ka arki karto shaxda Hoose waxa ay isagu jireen dhowr nuuc oo Gantaalo ah.

Gantaaladan Cinjirka ah ayaa isagu jiray 1 Gantaal oo nuuca ridada gaaban leh, 2 kuwa ridada dhex dhexaadka ah, 8 kuwa ridada gaaban aan ahayn kuwa ridida dhex dhexaadkana dhaafsan,   1 xabo oo aan la aqoon.

Sidoo kale shaxdan kale ee soo socota waxaad ka arki doontaa guud ahaan inta ay kala tijaabiyeen 3-dii madaxweyne ee isdhashay wakhtiyadii ay xukunka wadanka hayeen Guud ahaan waxa ay tijaabiyeen 109 Gantaal oo nuucyo kala duwan isagu jira.

Madaxweynaha Kim II Sung oo talada hayay 1984-1994 asagoona mudadaas uu xilka hayay tijaabiyay 15 Gantaal, halka wiilkiisa Kim Jong II uu asna tijaabiyay intii u dhaxeysay 1994-2011 Gantaalo gaaraya 16, Waxaa inta badan Gantaalada tijaabiyay wiilka hadda taladda hayo ee KimJong Un kaasoo talada wadanka qabtay sanadii 2011 isla markaana waxa uu tijaabiyay 78 Gantaal.

Shaxdan hoose ka arag qaabka ay u kala tijaabiyeen

 

Xukuumada Piyongyang ma aysan tijaabin wax hub ah intii uu madaxweyne Trump ku jiray doorashada balse waqtigii caleemo saarkiisa kadib ayay bilaabeen ayagoona tijaabiyay in ka badan 2  intii sanadkii 2016 bilaha hore ay tijaabiyeen.

Janaayo ilaa Juun 2016 waxa ay tijaabiyeen 10 Gantaal waxaa lagu guuleystay 5 halka 5 kalena lagu guul dareystay.

Janaayo ilaa juun 2017 waxaa la tijabiyay 12 Gantaal waxaana lagu guuleystay 8 sidoo kale waxaa guul dareystay 4 gantaal.

laga soo bilaabo 2016-dii ilaa iyo hadda Kuuriyada Waqooyi waxa ay tijaabisay 36 Gantaal waxa ayna kala tijaabisay 2016 oo ay tijaabiyeen 24 Gantaal halka sanadkan hadda kala barka ahna ay tijaabiyeen 12 Gantaal kuwaasoo ay sheegeen Masuuliyiinta xukuumada Pyonyang in ay ku jiraan nuucyo cusub oo aan wali aduunka horay loogu tijaabin.

Haddaba Maxay kala Jeedaan in ay mar walba Gantaal tijaabiyaan dowladda Kuuriyada Waqooyi?

Jawaabta ayaa ah Kuuriyada Waqooyi waa wadan quwad militari leh kaasoo mar walba doonaya inuu caalamka ogaysiiyo inuu yahay mid awoodiisa iyi tayada hubkiisu ay tahay mid la isku halayn karo, anagoo ogsoon in ay Kuuriyada Waqooyi cuna qabatayn saarantahay ayaan hadana wadankaasi marnaba u hakin in uu sameeyo Tijaabooyin Hub waawayn.