SAWIRRO: Wadan ay dhaqan u tahay in Aroosada la qiimeeyo sida badeecada laguna soo rido Sanduuq Xiran

Umadaha ku nool Dunida waxa ay leeyihiin Caadooyin iyo dhaqamo u gooni ah balse Caadooyinka Guurka ee dunida waxa ugu yaabka badan waxa ka mid ah in dalka China  lamaanaha la isu guuriyo iyagoon is arag waxaana arinkaasi dhameeya labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan Laakiin arintu halkaasi kuma dhamaato, mana aha in sidaasi ay ku noqonayaan qoys nolosha wadaaga.

Marka ay labada qoys arinkaasi dhameeyaan, qoyska gabadha laga guursaday ayaa qurxiya gabadhooda oo marka danbena sida badeecadda sanduuqa loogu talo galay ku moor gareeya oo hawada meelo uu helo loo sameeyay.

Qoyskaasi ayaa usoo qaada goob lagu balamay oo uu imanayo wiilka ay u guuriyeen isla markaana ay goob joog yihiin qoyskiisu.

Waxa iyana arrin dadka fajac ku rida noqotay in marka uu wiilkaasi sanduuqa furo ee ay ka soo baxdo Inanta loo guuriyay uu aad u eegayo dhinac kasta. Intaasi ka dibna haddii uu jeclaado gabadhaa uu isaga eegayo sida badeecadda wuu kaxaysanyaa haddii ay noqon weydana wuu iskaga tegayaa Laakiin arinku dhib kuma hayo bulshadaasi maxaa yeelay waa caado ay samaysteen.