SAWIRRO: Nin Midi ku dilay 3 Caruur ah uu dhalay iyo Gabar adeegto u ahayd

Dhacdo dad badan ka yaabisay ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Onitsha, Gobolka Anabra ee dalka Nigeria halkaas oo Nin da’da dhex-dhexaadka ah uu Midi ama Toori ku dilay 3 Caruur ah uu Aabeu yahay iyo  Gabar Guriga adeegto ka ahayd.

Ninkaan ayaa la sheegay Sabab aan la garanayn inuu Caruurtiisa iyo Gabartaas u dilay waxaana la sheegay waqtiga uu dilka geysanaye in ay hooyada caruurta dhashay ka maqneed Guriga.

Dilkan foosha xun oo loo adeegsaday midida ayaa Caruurta iyo Gabarta adeegtada ah loola dhacay si Naxariis la’aan ah ayadoo la sheegay in ooyinta iyo qeylada Guriga ka dhaceysay ay maqlayeen dadka deriska ah balse aysan moodeyn in dhibaato intaas la eg ay ka jirto Guriga.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ay is weydiiyeen Ooyinta iyo qeylada dhawaqa dheer leh ee Qol kamid ah guryaha laga maqlaye markii ay u suurta gashay in ay jabiyaan qolka sida tooska ah ay qeylada iyo sawaxanka uga soo baxayse waxa ayna indhahoodu qabteen Caruurta iyo gabarta oo meyd ah dhiig badana ka baxay iyo aabaha dilka geystay oo dhulka jiifa asna miirkiisu maqanyahay balse Nool.

Booliska ayaa la wareegay kiiskan baaritaan ayaana lagu wadaa waxa ku dhaliyay Ninkaas inuu sida foosha xun u dilo caruurtiisa iyo gabartii adeegtada u ahayd sidaas waxaa xaqiijiyay mid kamid ah dadki Muuqaalada kasoo duubay dhacdadan oo lagu magacaabo Okpagu Ebuka Kosiso.

Halkan Hoose ka daawo Sawirada