SAWIRRO: Musharax Madaxweyne oo la dhaawacay xili uu Olole doorasho ku jiray

Musharaxa Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa lagu dhaawacay mindi xilli uu ku jirey ololahiisa doorashada magaalada Juiz de Fora oo 200km waqooyi ka xigta caasimada Rio de Janeiro.

Booliska dalka Brazil ayaa sheegay in siyaasiyigan 63 sano jirka ah mindi laga geliyay caloosha uuna ku jiro isbitaal iyadoo qofkii ka dambeeyay dhaawaciisana xabsiga la dhigey.

Muuqaal laga daawaday baraha bulshada ayaa laga arkayay in Musharaxa dhaawacan ee Bolsonaro uu soo bandhigey qorshe ah in uu baabi’in doono dambiyada laga galo mid kamid ah wadamada ugu waaweyn ee Latin America.

Taleefishinka GlobaNews ee dalka Brazil ayaa baahiyay in Bolsonaro qalliin lagu sameeyay uuna ku jiro isbitaal ku yaal magaalada Juiz de For a ee dalka Brazil.

Musharax Bolsonaro ayaa ugu horeeyay codadka uu soo bandhigey Machad gaar loo leeyahay oo  lagu magacaabo (Ibope) isagoo helay boqolkiiba 22 iyadoo siyaasiga Luiz Inacio da Silva oo hore Madaxweyne uga soo noqday dalka Brazil uu ku jiro xabsi lagana diiday inuu ka mid noqdo musharaxiinta.

Bolsonaro ayaa la sheegay in laga yaabo inuu ku sii jiro isbitaalka muddo toddobaad ah lamana oga sida ay noqon doonto xaaladiisa caafimaad.