SAWIRRO: Markab siday 600 oo Muhaajiriin ah oo loo diiday inuu kusoo xirto Dekedaha Talyaaniga

Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay qaxootigii kasoo degi jiray Dekeddaha dalka Talyaaniga,islamarkaana dhaqaallo badan ay ku bixin doonaan joojinta Qaxootiga ka yimaada Afrika.

Matteo Salvini  Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Taliyaaniga ayaa diiday in Markab soo badbaadiyay muhaajiriin ay tiradooda dhan tahay 600 oo qof uu ku soo xirto dalka Taliyaaniga.

Mr Salvini, oo hogaamiya xisbiga garabka midig ayaa warqad u qoray maamulka jasiirada Malta isaga oo ka codsaday in markabkaasi uu ku soo xirto Valletta,oo ah caasimada Malta.

Balse xukuumadda Malta ayaa sheegtay in hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo SOS ay muhaajiriintan ka soo qaaday biyaha dalka Liibiya islamarkana sharciyan ay hoos imaanayaan Taliyaaniga.

Hay’adda SOS Mediterranee ayaa sheegtay in tiro muhaajiriin ah ay soo badbaadiyeen ka dib markii doontii ay la socday ay badda dhexdeeda ku jabtay.

33,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dalalka Yurub sanadkan iyaga oo sii maray badda.

Maamulka cusub ee Talyaaniga ayaa kasoo horjeeda Qaxootiga soo galootiga ah.