SAWIRRO: Haweeney hore R/wasaare uga soo noqotay dalka Thailand oo baxsatay ayadoo Maxkamadda laga sugayo

Dowlada Thailand ayaa sheegtay in raisal wasaarihii hore ee dalkaasi Yingluck Shinawatra ay ka baxsatay dalkaas, iyadoo ku guul darreysatay inay ka soo muuqato Maxkamadda ayna dhegeysato go`aanka laga gaaray eedeymaha dacwada loo bixiyey fadeexadii bariiska ee loo haysto.

Qareennada u doodaya Yingluck ayaa sheegay in haweeneydaasi aysan awoodin inay maxkamadda timaaddo ayna xanuunsaneyd.

Balse maxkamadda sare ayaa amartay in la soo xiro meel kasta oo ay joogto, waxayna la wareegtay damiin lacageed oo gaaraya $900,000 (£703,000) oo raisal wasaarihii hore laga hayay, waxaa maxakamddu ay go`aankeeda dib u dhigtay ilaa 27 September ee sanadkan.

Yingluck ayaa dafirtay inay wax door ah ku lahayd eedeymaha musuqa la xiriira bariiska oo lagu lunsaday lacag gaareysay balaayiin dollarka Thailand ah.

Haddii haweeneydan dembi lagu helo, waxaa lagu xukumi doonaa 10 sano oo xabsi ah, siyaasadda ayaana gebi ahaanba laga mamnuuci doonaa iney mar kale oo dhex gasho.

Haweeneydan oo dalkaasi raysal wasaare ka noqota sanadkii 2011 ayaa waxaa lagu eedeeyay sanadkii 2015 musuqmaasuq la xiriiray bariiska. Thailand ayaa wadday mashruuc sare loogu qaadayo dakhliga beeralleyda bariiska, si wax looga qabto saboolnimada, balse waxaa muuqatay in dowladdu ay ku dhowaad labo jeer lacag ka badan tan suuq uu ka joogo bariiska ay siineysay beeralleyda.

Waxay arrintan saameyn xooggan ku yeelatay dhoofinta bariiska ee Thailand, taasoo horseedday in dowladdu ay lumiso lacag dhan $8bn iyo keyd badan oo bariis ah oo dowladdu ay awoodi weysay inay iibiso.

Raisal wasaarihii hore ee dalkaasi Thaksin Shinawatra oo ah Yingluck walaalkeed aya dibbad joog ah, isagoo dalkaasi ka cararay 2008 si uu uga baxsado xabsi lagu xukumay musuqmaasuq lagu helay awgeed.