SAWIRRO: Dhalinyaro Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu qabtay Xuduudka Norway

3 Muhaajiriin Somali ah iyo mid u dhashay dalka Jabuuti ayaa lagu qabtay Xadka Norway la wadaagto dalka Raashiya.

Sida ay Warbaahinta Goobsan kasoo xigatay wargayska The Barents Observer Taliyaha Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Norway, Roger Jakobsen waxa uu u sheegay Wargeyka The Barents Observer inay dhallinyaradaaasi qabteen, xilli ay doonayeen inay ka soo dusaan Xuduudka, iyagoo jaray Siligii Xayndaabka ee ay kaga so otallaabeen Xuduudka Raashiya.

Waxa uu tilmaamay inay Ilaaladda Raashiya ku soo wargeliyeen arrintaasi.

Wargeyska kale ee Murmanski Vestnik ee ka soo baxay Raashiya waxa uu shalay soo daabacay Sawiro muujinaya siliga ay jareen, kana soo duseen Dhallinyaradaasi.

Wargeyska waxa uu  qoray in Dhallinyarada la qabtay ahaayeen Afrikaan oo 3 ka mid ah ka soo jeedaan Somalia, oo mid uusan weli qaan-gaarin,  halka midka kalena uu ahaa Jabuutiyaan.

Ilaaladda Xuduudka Norway ee loo yaqaano FSB waxay sheegeen inay Muhaajiriintaasi ku joojiyeen Xuduudka, balse faahfaahin kala kama bixinin, iyadoo ay Norway iyo Raashiya wadaagaan xuduud dhererkiisu dhan yahay 195-Kiilomitir.

Dhinaca kale, Muhaajiriinta Soomaalida iyo Jabuutiyaanta ee lagu qabtay Xuduudka Norway  waxaa haatan lagu hayaa Xarun dadka Dacwad-sugayaal ah, waxaana laga yaabaa inay muteysan Xabsi ilaa 6-sanno ah qofkiiba.

Warbaahinta Goobsan kala Soco Wararkii U danbeeyay ee Dunida
SHARE