SAWIRRO: Caro ka dhalatay Kufsi iyo Dil loo geystay Gabar Muslimad 8 Jir ahayd

Maydka Asifa Bano oo ka mid ah qabiil heer baadiye ah oo Muslimiin ah ayaa laga helay kayn u dhaw magaalada Kathua oo daris la ah qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmiir, arrintaasi waxay dhacday 17kii bishii Janaayo.

Sheekadaas ayaa ciwaannada caalamka qabsatay toddobaadkan ka dib markii kooxaha garabka midig ee Hinduuga ay ka mudaaharaadeen xiritaanka dadkii arrintaas lagu eedeeyay oo diinta Hinduuga heysta.

Dadka ayaa ka caraysan in dambiyada foosha xun ay noqdeen meel laga billaabo isku dhacyada diimaha.

Booliiska ayaa xiray siddeed nin oo ay ka mid yihiin masuuliyiin dawladeed oo shaqada ka fariistay, afar askari iyo mid yar oo lala xiriiriyay dilka Asifa.

Carada ka dhalatay taageerada loo muujiyay eedaysaneyaasha ayaa keentay in ay dadka Twitterka isticmaala aad u adeegsadaan hal qabsi ah caddaalad ha loo helo Asifa #justiceforAsifa iyo #Kathua.