Ciidamada booliska dalka Spain ayaa gabi ahaanba xiray goobaha aftida loogu qaadayo gobolka Catalonia oo doonaayo in uu Spain ka Ga’o isla markaana noqdo dal madax banaan.
War qoraal ah uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Spain ayaa lagu sheegay in dhammaan dhismayaasha ay ka dhici laheyd aftida doorashada gobolka Catalonia in gabi ahaanbo la xiray,isla markaana aysan jirin goobo furan oo lagu qaadayo Aftida gobolka Catalonia.
Ra’iisal wasaaraha Spain ayaa horay waxa uu usheegay in aftida madaxbanaanida gobolkaasi in ay tahay mid ka soo horjeeda dastuurka dalka Spain.
Waxa uuna sheegay in aysan marna aqbali doonin in ay gobolka ka dhacdo afti dad weyne.
Balse mas’uuliyiinta gobolka Catalonia ayaa ku adkeysanaayo in aftida doorashada uu gobolkaa kaga go’aayo Spain ay dhici doonto,islamarkaana aysan jirin cid isku hor istaag ku samayn karto.