Sawiro: Nin Xaaskiisa Gowracay kadib markii ay Lacag weydiisatay.

Mid kamid ah Darawalada ku nool magaalada Lagos oo lagu magacaabo Shakiru bello ayaa Xaaskiisa gowracay waxa uuna cad cad u jaray Xibnaheeda xaaskiisa oo lagu magacaabo Sharifat Akeem.

Shakiru ayaa ka baxsaday magaalada uu dilka ka geystay ee Lagos waxa uuna u baxsaday Ibadan si aan loo ogaan inuu ka dambeeyay dilka Xaaskiisa oo u heysay 3 Caruur ah.

Shakiru iyo Sharifat ayaa is qabay MMudo 9 Sanadood ah waxaana soo kala dhex galay buuq mudo soo jiitamayay kaas oo sababay inay mudo kala maqnaadaan ugu dambeyn waxa la dilay Sharifat ka dib marki ay lacag Masruuf uga dhigto 3da Caruurta ah ay u dhashay u doonatay Shakiru asna uu ku balamiyay dhismayaal qadiimi ah oo burbursan halkaasna uu ku dilay sida uu xaqiijiyay ninkan falka dilka ah geystay.

Akenda Atanda oo ah dhibanaha aabaheed ayaa xaqiijiyay in qof uu kasoo wacay Tellka una sheegay in Gabartiisa ay mayd tahay kana soo dhacday Dhismo intaas kadib Booliska ayuu war galiyay Baaritaano ay Boolisku sameeyeen ayay ku ogaadeen Qofka telefoonka soo diray waxaana durba la baadi goobay Meydka Sharifat oo la helay Qoorteeda ayadoo Xubnaheeda kale lagu qariyay dhismayaal qabyo ah oo ku yaala moshalashi Street Somolu halkaas oo lagu qariyay.

Booliska aya kiiska la wareegay waxa ayna soo qabteen Gacan ku dhiiglihii falka foosha xun geystay ayadoona halkaas ay uga bilaabatay Maxkamadeen.

SAWIRADA HALKAAN HOOSE KA DAAWO.