Safiya Cabdi Nuur ayaa noqotay haweenaydii ugu horraysay oo ka soo jeeda Waqooyi bari Kenya oo ka mid noqota Baaralamaanka iyadoo ka adkaatay rag la tartamayay.
Safiya oo ka tirsan xisbiga PDR ayaa laga soo doortay degaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa, waxayna tartan adag la gashay Axmed Ibraahim Cabaas oo kula tartamayay kursiga xildhibaanimo.
Waxayna heshay 6,0001 cod halka Axmedna uu helay 5705 cod.
Waa markii ugu horaysay tan iyo markii Kenya xorriyadeeda heshay oo haweeney kasoo jeeda Waqooyi bari ay xil intaas le’eg ku guulaysato.
Kursiga ay ku guulaysatay Safiya Cabdi ayaa waxaa ku loolamayay musharixiin kale oo ka tirsan axsaabta kala duwan ee Kenya.
Safiya Cabdi ayaa horay u aas-aastay hay’ad u dooda xuquuqda haweenka oo la yiraahdo ‘Womenkind Kenya’, taasi oo dhiiri gelisa waxbarshada gabdhaha iyo arrimaha kale ee haweenka la xiriira.
Haweenaydan ayaan ku cusbayn siyaasadda, waxaana 2007-dii xisbiga mucaaradka ee ODM uu u magcaabay xildhibaan aan lasoo dooran oo kamid ah aqalka baarlamaanka.