Saddex haween ah oo loo xiray weerarkii Argagaxiso London

Ciidamada Booliska ee London ayaa xabsiga dhigay saddex qof oo dumar ah oo lala xiriirinayo hawlgalkii ka dhanka ahaa argagixisada ee toddobaadkii hore, kaasi oo boolisku ay sidoo kale ku toogteen qof kale dumar ah.

Labo ka mid ah haweenkaasi oo da’dooda lagu kala sheegay 18 jir iyo 19 jir ayaa la xiray maanta oo Isniin ah kaddib markii looga shakiyay in ay maleegeen falal arggagixisnimo.

Arrintaan ayaa daba socotay howlgal kale oo ka dhan ah argagixisada oo khamiistii laga fuliyay London, kaasi oo guri ku yaala Willesden lagu toogtay haweeney 21-sano jir ahayd

Sida uu boolisku sheegay saddexda haweenka ah ee la soo qabtay ayaa waxa ay ku xiran yihiin meel ka baxsan magaalada London.

Haweenkan ayaa la xiray kaddib markii saraakiisha booliska ee la dagaalanka argagixisada ay ruqsad u soo heleen in ay u dhaacan saddex guri oo ku yaala bariga magaalada London.

Haweeneyda 21- sano jirka ahayd ee boolisku ay toogteen intii uu socday howlgalka ayaa laga saaray Isbitaalka maalintii Axada ahayd, ka hor inta aan loo soo xirin abaabulka iyo maleegidda falal argagixisnimo.

©Goobsan  Media