Sacuudiga Iyo Imaraadka Carabta Oo Ciidamo U soo Diraya Soomaaliya

Televishin-ka Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa shaaca ka qaaday qorshaha imaaraadka carabta iyo Sacuudiga waxaana uu sheegay in dalalkan  ay qorsheynayaan tababarista kumaan Afrikaan calooshood u shaqeysta yaal ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa qorshaynaysa tababarista kumanaan Afrikaan calooshood u shaqeystayaal ah kuwaa oo dalalkooda lagu tababarayo.

Imaaraadka carabta ayaa la sheegay in qorshihiisa Tababarida Ciidamadda uu ka bilaabay Soomaaliya, kadib loo wareejiyay dalka Uganda,waxaana haatan qorshaha kusoo biiray dalka Chad.

Dhanka kale Televishinka Al Masariya ee yeman laga leeyahay ayaa baahiyay in Ciidamada calooshood u shaqeestayaasha ah laga howlgalin doono wadamada Soomaaliya iyo Yeman.

Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo dhaxal sugaha Imaaradka Carabta ayaa ku wajahan dalka Uganda si uu heshiis ula galo Yuweri Musaveni oo ah Madaxweynaha dalkaasi.

Uganda ayaa la sheegay in loo tababari doono in kabadan 10,000 oo askar.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in 8,000 oo askar laga howlgalin doono wadamada Soomaaliya iyo Yeman iyadoo Ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo xarun u noqon doonto Saldhigga Militry ee Somaliland ka dhistay Imaaradka.