Xoolo dhaqato u dhalatay dalka Qadar oo ku noolaa wadanka Sacudi Carabiya ayaa doonaya inay dib ugu laabtaan dalkooda kadib markii 14 maalmood loo qabtay inay ugaga baxaan Sacudi Carabiya.
Kumanaan geel ah oo ay lahaayeen xoolo dhaqatadaas u dhalatay dalka Qadar ayaa laga tarxiilay Boqortoyada Sacudi Carabiya waxaana la sheegay inay ku xayiran yihiin xadka kala qeybiya labada dal ee Sacudi Carabiya iyo Qadar.
Ugu yaraan 25,000 oo geel iyo ido isugu jira ayaa ka gudbay xadka labada dal iyadoo kumanaan kale ay weli ku xayiran yihiin xadka waxaana la filayaa in ay ka gudbaan dhowaan.
Hase yeeshee xadka ayaa waxaa uu yahay mid aysan ka gudbi karin geel faro badan maadaama saacado kooban uu furan yahay waxayna taasi sababtay in ay oon ugu dhintaan geela xadka dalka Qadar balse hadda ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay Gaadiid wado sahay sida caws iyo Booyado Biyo ah.
Wadanka Qadar ayaa qaar kamid ah wadamada Khaliijka waxa ay ku soo rogeen xayiraadka dhinaca dhulka,cirka iyo badda ah waxayna dowlada Qadar ay haatan la yeelatay xiriir wadanka Iran halkaa oo ay maalin walba ka soo iibsato cunto iyo qudaar.