R/wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqonayaan hal Wadan

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo maalin kahor booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa markii uu dib ugu laabtay dalkiisa waxa uu wareysi siiyay TV-ga Qaranka dalkaasi, wuxuuna faah faahiyay wada hadaladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in laga soo gudbay taariikhdii hore ee ku saleysneyd colaada labada wadan, hadana loo gudbay iftiin iyo walaaltinimo, labada dalna ay noqanayaan hal wadan oo mid ah.

“Wada hadalada na dhexmaray waxaan ku heshiinay arrimo rajo badan na geliyay sida inaan si KMG ah isaga kaashano dhaqaalaha, mustaqbalkana aan shacabkeena mideyno oo aan noqono hal wadan oo mideysan, waa in wadamada geeska afrika hadii ay suuragal tahay noqdaan hal dal oo dhameystiran sida Dubai, Mareykanka ama Yurub.” Ayuu yiri R.W Itoobiya.

“Midaasi waxaan ka heli karnaa faa’idooyin balaartan, caalamkana aan uga yeelan karno awood gorgortan, hadaba taasi micnaheedu muxuu yahay, Soomaaliya waa dal juqraafi ahaan ku yaalla dal muhiim ah laakiin biyaha bada ee Soomaaliya ku wareegsan waxay noqdeen kuwa maalintiiba aanan lagu arkin hal markab, ma ahan biyo la cabi karo ama wax lagu beeran karo, marka inaan dhahno dekad la aan ayaan nahay dhibaato ayay nagu tahay mustaqbalka fog marka la eegana arrintaasi dhibaato fog ayay nagu yeelan kartaa.” Ayuu markale yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.