Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame, ayaa ku guuleystay doorashadii shalay loo dareeray ee dalkaasi ka dhacday, sida guddiga doorashooyinka ay sheegeen.
59-jirka, ayaa helay 98.66 boqolkiisa cododkii la dhiibtay taas oo ka dhigan in si aqlabiyad leh uu ugu guuleystay doorashadda.
Paul Kagame, ayaa sanadihii lasoo dhaafay helay amaanta wadamada caalamka kadib markii dalkaasi uu kusoo dabaalay nabad iyo dib usoo kabashada dhaqaallaha, kadib xasuuqii dalkaasi ka dhacay sanadkii 1994.
Kagame, wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu horeeyey ee Afrika ee furtey boggaga bulshada sida Twitter iyo Facebook, wuxuuna Kagame shir ka sheegey in casriga baraha bulshada ay meesha ka saareen wax kasta oo marmarsiimo ah oo ku saabsan “dulqaad la’aan siyaasadeed iyo faqrinimo dadka la bado”.
“Dhacdooyinka taariikhda gali doona ayaa waxa markiiba laga diiwaangalinayaa daafaha adduunka islamarka ay wax dhacayaan” ayuu yiri Kagame.