Ruushka oo sheegtay in ay duqeyn ku dileen hogaamiyaha Ururka Daacish Abuubakar Al-Baqdadi

Ruusha ayaa sheeganaya inuu weerero cirka ah uu ku qaaday meel u dhow xarunta IS ee Raqa uu ku dilay hogaamiyahii ururka Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Weerarkaan ay sheegayaan in lagu dilay hogaamiyaas Ururka IS ayaa waxa qaaday Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayagoona dhowr Bambaano ku dhuftay meel looga shakisanyahay inuu ku sugnaa Abuubakar Al-Baqdaadi.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegty in ay baaritaan ku heyso xog sheegeysa in hogaamiyaha Daacish Abuubakar Al-baqdaadi  lagu dilay duqeyn bishii hore ka dhacday dalka Suuriya.

“May 28, kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo isticmaalay in lagu ogaado akhbaar sax ah ee ah goobta iyo waqtiga uu dhacayo kulan uu ka soo qeybgalayo  hogaamiye Baqdadi,ayay diyaaradaha Ruushka duqeeyeen halka uu kulanku ka socday,”ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaarada gaashaandhiga Ruushka.

Hogaamiyaha ururka IS ayaa dhowr jeer oo hore  la sheegay in lagu diley duqeyn ama la dhaawacay tan iyo markii uu ku dhowaaqay sanadkii 2014 khaliifnimadiisa waxana uu xilligaas bilaabay in uu la wareego qeybo badan oo ka mid ah dalka Ciraq. Hase yeeshee sheegashooyinkaas ayaa noqonayay kuwo been ah.

Haddii ay warbixintan noqoto run ayaa waxay ka dhigan tahay dharbaaxo culus oo ku dhacday ururka IS oo haatan isku dayaya inuu daafaco deegaanadii uu ka talinayay iyadoo laga soo saaray inta badan dalka Ciraaq iyo deegaano badan oo ka mid ah dalka Siiriya..

Saraakiil  u hadashay ciidamada Maraykanka aya sheegay inaysan hayn warar xaqiijinaya sheegashada ciidamada Ruushka ee ah dilka hogaamiyaha IS.