Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre oo kulan muhiim ah la qaatay shaqaalaha xafiiska Ra’isal wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna kala hadlay sidii ay howsha xafiiska ay ayagu gacanta ku hayaan ay u noqon lahayd mid la dardargaliyo ayadoo la fiirinayo shaqooyinka horyaala

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ay ku shaqeeyaan howl-wadeenada, ku xigeenka Xog-yaha Joogtada iyo Agaasimeyaasha Waaxaha xafiiska, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, si loo meel mariyo barnaamijyada uu Xukuumadda ku hoggaamin doono.

Sidoo kale Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya waxa uu sheegay inuu ku howlanyahay xal u helida xaquuqda mishaaraadka shaqaalaha dowlada sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in lala xisaabtami doono shaqaalaha ayna sida saxda ah u gutaan waajibaadkooda shaqo, mudane Xasan Cali Khayre ayaa horay uga dhawaajiyay in aan loo dul-qaadan doonin musuq maasuq iyo wax isdaba marin ayna taas ka foojignaan doonto Dowladan.